
Mac'hadka Cilmi-baadhista Xoolaha iyo Beeraha DDS iyo mac'hadka cilmibaadhista beeraha Somaliland ayaa gaadhay heshiis is afgarad.
Mac'hadka Cilmi-baadhista Xoolaha iyo Beeraha DDS iyo mac'hadka cilmibaadhista beeraha Somaliland ayaa gaadhay heshiis is afgarad.Heshiiskan is fagarad ayaa waxaa kala sexeexday Maareeyaha Mac'hadka Cilmibaadhista Beeraha iyo Xoolaha DDS iyo maareeye kuxigeenka mac'hadka cilmi-baadhista beeraha ee Somaliland kaasi oo la xidhiidha sidii labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen shaqooyinka cilmi-baadhista.
Xubno uu hogaaminayo Maareeye kuxigeenka mac'hadka cilmibaadhista beeraha Somaliland Khaalid Maxamuud ayaana khibrad wadaag dhawr maalmood qaatay ugu yimaaday Mac'hadka Cilmibaadhista Beeraha iyo Xoolaha Deegaanka, waxaana lala wadaagay shaqooyinka mac'hadka iyo xarumihiisa ee dhinaca cilmi-baadhista xoolaha, beeraha iyo khayraadka dabiiciga, kadib waxa ay xubnahani booqdeen goobo ay ka mid yihiin goobta isir-sooca dhirta Deegaanka, goobaha lagu farsameeyay qalabka beeraha, kan xoolaha, shaybaadhka iyo guriga cagaaran ee lagu soo saaro khudaarta.
Waxayna intaa kadib labada dhinac gaadheen isafgarad lagu xoojinayo iskaashiga khibradaha la xidhiidha cilmi-baadhisyada.
